Wasiir Xaniifa oo ka hadashay kulankoodii Golaha Wadatashiga (SAWIRRO)

Wasiirka Haweenka & Horumarinta Xuquuqul Insaanka Somaliya, Xaniifa Maxamed Ibraahim Xaabsade ayaa ka warbixisay kulan ay maanta iyagoo tiro haween ah la yeesheen Golaha Wadatashiga Qaranka.

Wasiiradda iyo laba haween oo kale oo la socday ayaa metelayay haweenka Soomaaliyeed, waxayna Ra’iisal Wasaaraha, Madaxda Dowlad Goboleedyada iyo Gudoomiyaha Gobolka Banaadir kala hadleen xaqiijinta qoondada haweenka (30%) ee Labada Aqal ee Baarlaaanka Somaliya.

“Maanta waxaan tagnay Xarunta Shirka Golaha Wadatashiga Qaranka ka socday, oo ay fadhiyaan Madaxda Dowlad Goboleedyada, Ra’iisal Wasaaraha iyo Gudoomiyaha Gobolka Banaadir, anagoo ka koobnayn haweenka Baarlamaanka, bulshada rayidka iyo anigoo Wasiiraddii ah. Waxaan dalbanay inaan Madaxda la kulano, anagoo markaas rabnay inaan ku adkeyno xaqiijinta kuraasta loo sameynayo dumarka, wayna na qaabileen.” Ayay tiri Wasiiradda.

Waxa kaloo ay tiri “Waxaan ku adkeynay qabiil kasta oo saddex kursi leh in hal kursi ay gabar noqoto ama in la sameeyo kuraas loo qoondeeyay dumarka oo keliya ku tartamaan.”

Xaniifa ayaa tiri “Runtii Madaxda aad bay noo soo dhaweeyeen, waxayna nala qaateen, oo ay noo xaqiijiyeen in la xaqiijin doono boqolkiiba soddonka ee qoondada haweenka.”

Xaqiijinta qoondada haweenka ee Labada Aqal ee Baarlamaanka waa mid ka mida heshiiskii shanta qodob ugu muhiimsanaa ee 27-kii bishii May ay Madaxdu ku gaareen Caasimadda Muqdisho.

Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com