R/wasaare Rooble oo tababar u furay Guddiyada Doorashooyinka (SAWIRRO)

Ra’iisal Wasaaraha Somaliya, Maxamed Xuseen Rooble ayaa maanta tababar u furay Guddiyada Doorashooyinka ee Heer Federaal, Heer Dowlad goboleed iyo Guddiga Khilaafaadka.

Tababarkan oo socon doona saddex maalmood ayaa lagu xoojinayaa awoodda iyo aqoonta guddiyada, si ay ugu diyaargaroobaan qabashada doorashada dalka ka dhacaysa.

Ra’iisal Wasaare Rooble ayaa tilmaamay in xukuumaddiisu ay taageero joogto ah oo hagar la’aaneed siin doonto guddiyada, si dalka ay uga qabsoomto doorasho hufan oo xor iyo xalaal ah.

Ra’iisal Wasaare Rooble ayaa xusay in doorahooyinku ay muhiimad weyn u leeyihiin geedi-socodka dowlad-dhiska iyo nabad-dhiska Somaliya, loona baahan yahay in xil weyn la iska saaro.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa kula dardaarmay Guddiyada Doorashooyinka inay waajibkooda qaran u gutaan si daacad ah, isla-markaana ay dhawraan xuquuqda muwaadiniinta tartamaysa, iyaguna masuul ka yihiin fulinta heshiisyadii horey loo gaaray. Sidoo kale, wuxuu ku booriyay inay si wanaagsan uga faa’iideystaan tababarka oo muhiim u ah shaqadooda, kaasoo ay bixinayaan khubaro iyo xeel dheerayaal doorasho, kana fogaadaan wax walba oo musuq-maasuq keenaya.

Rooble ayaa dhanka kale bidhaamiyay inaanay jirin wax isbedel ah oo lagu sameeyay heshiisyadii horey looga gaaray doorashooyinka, isla-markaana ay wax walba u fulayaan sida ku qoran heshiisyada.

Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com