Ra’iisal Wasaaraha Somaliya oo la kulmay Safiirka Kenya

Ra’iisal Wasaaraha Somaliya, Maxamed Xuseen Rooble ayaa gelinkii dambe ee maanta Magaalada Muqdisho kula kulmay Safiirka Kenya ee dalka, Amb. Lucas Tumbo.

Kulanka ayay labada dhinac kaga wadahadleen xoojinta xiriirka iyo iskaashiga labada dal ee deriska ah.

Safiirka Kenya ayaa sheegay inuu ka shaqayn doono hagaajinta xiriirka labada dowladood, oo in muddo ahba xumaa.

Amb. Lucas Tumbo, Danjiraha Kenya ee Somaliya ayaa toddobaadkii hore dalka dib ugu soo laabtay, ka dib markii labada dowladood ay soo celiyeen xiriirkoodii diblomaasiyadeed.

Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com