Wasiir Beyle iyo Baanka Adduunka oo heshiis kala saxiixday (SAWIRRO)

Wasiirka Maaliyadda Somaliya, Cabdiraxmaan Ducaale Beyle iyo Wakiilka Bankiga Adduunka ee Somaliya, Kristina Svensson ayaa maanta Magaalada Muqdisho ku kala saxiixday heshiis dhan 445 milyan oo dollar oo Baanka Adduunka ugu deeqay Somaliya, si loogu fuliyo mashaariic horumarineed.

Labada dhinac ayaa sidoo kale ka wadahadlay qorshaha dib-u-habeynta ee nidaamka maaliyadeed ee dalka.

Wasiir Beyle oo ka hadlayay heshiiskan ayaa yiri “Waxa aan maanta Xarunta Wasaaradda Maaliyadda ku soo dhaweeyay Kristina Svensson, oo ah Wakiilka Somaliya ee Bankiga Adduunka, waxa aan kala saxiixanay heshiis gaaraya 445 milyan oo dollar, oo ah mashruucyo kala duwan oo deeq ah, isla-markaana lagu horumarinayo Somaliya. Tani waxa ay caddeyn u tahay sida adduunku inoogu kalsoonaaday, tan iyo markii aan fulinay dhammaan shuruudihii dayn-cafinta.”

Kristina Svensson ayaa waxaa kulanka ku wehlineysay Maamulaha Hay’adda IFCAfrica ee Somaliya, Amina Arif.

Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com