Deni oo si diiran loogu soo dhaweeyay Magaalada Kismaayo (SAWIRRO)

Madaxweynaha Puntland, Siciid Cabdullaahi Deni iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa galabta gaaray Magaalada Kismaayo ee Xarunta KMG ee Maamulka Jubbaland.

Masuuliyiin uu ugu sareeyay Madaxweynaha Jubbaland, Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) ayaa wafdiga Madaxweynaha Puntland ku soo dhaweeyay Garoonka Diyaaradaha Sayid Maxamed Cabdulle Xasan ee Magaalada Kismaayo.

Qoraal ka soo baxay Madaxtooyada Jubbaland oo looga hadlay booqashada Madaxweynaha Puntland ayaa lagu yiri “Madaxweynaha Puntland iyo wafdigiisa ayaa booqasho maalmo qaadan doonta ku yimid Jubbaland, iyagoo kulamo kala duwan la qaadan doona Madaxda Dowlada Jubbaland iyo bulshada.

Masuuliyiinta ayaa inta booqashadan ay socoto kulamo ka yeelan doona xaalada dalka iyo iskaashiga labada dhinac.”

Madaxweyne Deni ayaa toddobadkan Magaalada Muqdisho kaga qaybgalay Shirka Golaha Wadashiga Qaran, oo dib loogu jiheeyay doorashooyinka dalka.

Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com