Sheekh Mukhtaar Roobow Cali (Abuu Mansuur) oo tan iyo 13-kii bishii December ee sanadkii 2018 u xiran Dowladda Federaalka ayaa markii labaad cuntada ka soomay.
Sheekh Mukhtaar Roobow Cali ayaa xabsi guri ku ah dhisme ku yaala agagaarka Xarunta Hay’adda Nabad Suggida & Sirdoonka Qaranka (NISA) ee Magaalada Muqdisho.
Gudoomiyaha Xisbiga Amniga & Cadaaladda, Yuusuf Xasan Mursal oo tan iyo markii la xiray Abuu Mansuur u ololeynayay sidii xabsiga looga soo sii deyn lahaa ayaa sheegay in haatan uu cunnadii ka soomay.
“Fiidnimdii xalay intaan la gelin Salaadda Maqrib ayaa waxaa i soo gaaray warar sheegaya in Sheekh Mukhtaar Roobow oo muddo saddex sano ku dhowaad halkan ugu xiran Dowladda Federaalka ama ugu afduuban uu ka soomay cuntadii, illaa iyo maalintii Khamiista. Markii quraacda la’isku dayay in loo soo bixiyo si uu u cunno, uu diiday, qolkiina uu hoosta ka soo xirtay.” Ayuu yiri Yuusuf Xasan Mursal.

Inkastoo qoyskiisa iyo eheladiisa loo diiday inay xabsi guriga ku booqdaan ninka wadaadka ah ayuu Yuusuf Xasan sheegay inay warkan ka heleen ilo lagu kalsoonaan karo.
“Warka waan isku haleen karnaa, waana xaqiiq halka aan warkaa ka helnay, laakiin ma rabno inaan halkan ka sheegno ilaha aan warka ka heleyno.” Ayuu yiri Yuusuf Xasan oo la hadlay BBC.
Yuusuf Xasan ayaa tilmaamay in sheekha uu cunnada uga soomay, cadaalad darro uu ka tirsanayo dhanka Dowladda Federaalka.
“Marka aad guri ku xiran tahay muddo saddex sano ah, aaddan cadaalad helin, oo aan maxkamad lagu keenin, waad dareemi kartaa qofka waa bani’aadam, wuu isla hadlayaa, walwal iyo murugo badan ayaa imaanaya.” Ayuu yiri Yuusuf Xasan.
Yuusuf Xasan ayaa yiri “Waxaan halkan ka caddeynaynaa wixii Sheekh Mukhtaar Roobow ku yimaada oo xaaladaasi cunto ka soomidda ay ku keento ama xaalado kalaba ay ku keenaan in masuuliyadaas lagula xisaabtami doono Madaxweynaha muddo xileedkiisu dhammaaday ee Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo cidda ku wehlisay afduubka Sheekh Mukhtaar.”
Dowladda Federaalka ayaan weli ka hadlin warka sheegaya in cuntada uu ka soomay Abuu Mansuur.
Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com