Ex Xildhibaan Cumar Balash oo loo magacaabay Gudoomiyaha Gobolka Baay

Madaxweynaha Koonfur Galbeed, Cabdicasiis Xasan Maxamed (Lafta-gareen) ayaa Cumar Cali Isaaq (Cumar Balash) u magacaabay inuu noqdo Gudoomiyaha Gobolka Baay.

Madaxweynaha ayaa xilka ka qaaday Gudoomiyihii Gobolka Baay, Cali Wardheere Cabdiraxmaan (Cali Dooyow) oo dhowrkii sano ee la soo dhaafay hayay xilkaasi.

Qoraal ka soo baxay Madaxtooyada Koonfur Galbeed ayaa lagu yiri “Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed, Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed (Lafta-gareen) ayaa Cumar Cali Isaaq (Balash) u magacaabay Gudoomiyaha Gobolka Baay.”

Cumar Balash ayaa soo noqday Xildhibaan ka tirsan Baarlamaankii 1aad ee Koonfur Galbeed.

Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com