Guddiyada Doorashooyinka oo tababar loo soo xiray (SAWIRRO)

Cabdixakiin Xasan Ashkir, Wasiiru Dowlaha Xafiiska Ra’iisal Wasaaraha Somaliya ayaa Magaalada Muqdisho tababar ugu soo xiray Guddiyada Doorashooyinka & Xalinta Khilaafaadka.

Tababarka oo 3 cisho socday ayay Guddiyada Doorashooyinka & Xalinta Khilaafaadka kaga sacbo buuxsadeen jadwalka doorashada, miisaaniyadda, anshaxa doorashada, daah-furnaanta, cadaaladda iyo hufnaanta doorashada.

Wasiiru Dowlaha Xafiiska Ra’iisal Wasaaraha Somaliya oo gelinkii dambe ee maanta tababarka u soo xiray guddiyadan ayaa kula dardaarmay in si cadaalad oo hufan u dhaqangeliyaan aqoonta iyo tababarka ay qaateen, isla-markaana ka soo dhalaalaan dadaalkii lagu bixiyay.

Ra’iisal Wasaare Maxamed Xuseen Rooble ayaa Arbacadii tababarkan u furay Guddiyada Doorashooyinka ee Heer Federaal, Heer Dowlad Goboleed iyo Xalinta Khilaafaadka.

Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com