Madaxweynaha Koonfur Galbeed, Cabdicasiis Xasan Maxamed (Lafta-gareen) ayaa maanta Magaalada Baydhabo ka furay Kaldhiga 3aad ee Baarlamaanka Koonfur Galbeed.
Xildhibaanada Baarlamaanka Koonfur Galbeed ayaa ka soo laabtay xilligooda fasaxa, oo muddooyinkii ugu dambeysay ay ku maqnaayeen.
Munaasabadda furitaanka ee Kalfadhiga 3aad ee Baarlamaanka Koonfur Galbeed ayaa waxaa ka qaybgalay Wasiiro, siyaasiyiinta, aqoonyahano, waxgarad iyo marti sharaf kale.
Madaxweynaha oo ka hadlayay madasha ayaa yiri “Sharaf ayay ii tahay maanta inaan hortiina soo istaago, anigoo gudanayo waajibaad dastuuriya, oo ah inaan furno Kalfadhigii 3aad ee Baarlamaankii Labaad ee Koonfur Galbeed. Aad iyo aad ayaad ugu mahadsan tihiin sida aad uga soo qaybgasheen, uguna soo diyaargaroodeen furitaanka Kalfadhiga 3aad.”
Madaxweynaha ayaa Xildhibaanada ku ammaanay Labadii Kalfadhi ee hore shaqooyinkii ay qabteen, isagoona ku booriyay inay halkaasi ka sii wadaan.
Madaxweyne Lafta-gareen ayaa intaasi ka dib u ambabaxay Magaalada Muqdisho, oo Arbacadii uu ka soo laabtay, ka dib markii uu kaga qaybgalay Shirkii Golaha Wadatashiga Qaran.


















Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com