Diyaarad ciidan siday oo ku burburtay dalka Philippines (SAWIRRO)

Ugu yaraan 45 qof ayaa ku dhintay diyaarad weyn oo nooca militariga ah oo maanta ku burburtay dalka Philippines, halka 40 kalena la soo badbaadiyay.

Diyaaradda ayaa siday 92 qof oo ciidamo u badan, ka hor intii aanay ku burburin dhabaha diyaaradaha ku cararaan ee garoonka ku yaala Jaziirada Jolo.

Kooxda gurmadka deg-degga ayaa goobaha caafimaadka u qaaday dadkii shilkaasi ka badbaaday, waxaana weli socdo baadigoobka loogu jiro dhowr qof oo kale, oo nolol iyo geeri aan midna lagu hayn.

Dadka deegaanka ayaa isugu soo baxay nawaaxiga goobtii ay diyaaradda ku burburtay, waxaana la arkaayay uuro cirka isu shareertay.

Taliyaha Ciidamada Militariga dalkaasi, General Cirilito Elola Sobejana oo la hadlay Warbaahinta ayaa sheegay in burburka diyaaradda ay ka dambeysay, markii ay daba martay dhabaha ay diyaaraduhu ka soo cago dhigtaan, duuliyuhuna uu xakameyn kari waayay.

Diyaaradan oo nooceedu ahaa C130 ayaa ciidamada ka soo qaaday deegaanka Cagayan de Oro ee ku taala jaziirada koonfurta dalkaasi dhacda ee Mindanao. Ciidamadu waxaa la sheegay in dhawaan uu tababar u soo geba-gaboobay, loona diyaariyay inay la dagaalamaan kooxaha xagjirka ah ee dalkaasi ka dagaalama, sida Ururka Abu Sayyaf.

Taliska Militariga ee dalkaasi ayaa meesha ka saaray suurtagalnimada in diyaaradaasi la soo riday. Taliska waxa kaloo uu sheegay in baaritaanka shilkaasi la bilaabi doono, kolka la soo geba-gaboobo howlaha gurmadka ahi ee socdo.

Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com