General Odawaa oo ka hadlay hawlgalka lagu dilay Maxamed Cabdi Suubiye (Toosow)

General Odawaa Yuusuf Raage, Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka ayaa sheegay in hawlgal qorsheysan lagu dilay Sarkaal ka tirsanaa Ururka Al Shabaab.

Taliyaha ayaa sheegay in ciidan gaar ah oo ka tirsan kuwa Xoogga Dalka ay deegaanka Daarusalaam ee Gobolka Shabellaha Dhexe ku dileen Maxamed Cabdi Suubiye (Toosow).

Taliyaha oo la hadlay Idaacadda Codka Ciidamada ayaa tilmaamay in Toosow uu ka mid ahaa Saraakiisha sar sare ee Ururka Al Shabaab u qaabilsan Gobolka Shabellaha Dhexe.

Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka ayaa ujeedada hawlgalkan ku sheegay ka hortagga dhagarta horjoogeyaasha iyo maleeshiyada Al Shabaab.

Deegaanka uu hawlgalku ka dhacay ee Daarusalaam ayaa ku dhow deegaanka Masaajid Cali Gaduud oo hoos-tagga Degmada Cadale.

Ciidanka Xoogga Dalka oo kaashanaya Booliska Hirshabelle ayaa daba-yaaqadii bishii May waxay gobolkaasi ka bilaabeen hawlgalo ka dhan ah maleeshiyada Al Shabaab.

Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com