Golaha Wasiirada Hirshabelle oo ku shiray Beledweyne (SAWIRRO)

Golaha Wasiirada Hirshabelle ayaa maanta markii ugu horeysay ku shiray Magaalada Beledweyne ee Xarunta Gobolka Hiiraan.

Wasiirada ayaa Sabtidii shalay gaaray Magaalada Beledweyne, taasoo dhabaha u xaartay dagaalka aroornimadii hore ee saakay ka dhacay magaaladaasi, ka dib markii ay magaalada soo weerareen maleeshiyada jabhadda taabacsan General Abuukar Xaaji Warsame (Xuud), oo horey uga tirsanaa Saraakiisha Ciidanka Xoogga Dalka.

General Xuud ayaa ka horyimid hannaankii loo maray doorashadii 11-kii bishii November ee sanadkii 2020 ka dhacday Magaalada Jowhar, laguna soo doortay Madaxweynaha Hirshabelle, Cali Cabdullaahi Xuseen (Cali Guudlaawe).

Shirka Golaha Wasiirada Hirshabelle ee maanta ka dhacay Beledweyne ayaa waxaa shir guddoominayay Madaxweyne Kuxigeenka Maamulkaasi, Yuusuf Axmed Hagar (Yuusuf Dabageed), oo muddooyinkii ugu dambeysay ku sugnaa magaaladaasi.

Shirka ayaa looga hadlay arrimaha amniga, xasilinta & nabadgelyada deegaanada Hirshabelle, wax ka qabashada fatahaadaha, mashaariicda horumarineed iyo u diyaargarowga arrimaha doorashooyinka ee dalka.

Warsaxaafadeed ka soo baxay Madaxtooyada Hirshabelle ayaa lagu sheegay in Gudoomiyaha Gobolka Hiiraan, Cali Jeyte Cismaan oo shirka ka qaybgalay uu goluhu uga warbixiyay xaaladda gobolkaasi.

Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com