Guddiga Doorashooyinka oo doortay Gudoomiyaha Hirgelinta Doorashooyinka

Maxamed Xasan Maxamed (Cirro) ayaa goor dhow loo doortay inuu noqdo Gudoomiyaha cusub ee Guddiga Hirgelinta Doorashooyinka Qaranka ee dhawaan uu soo magacaabay Ra’iisal Wasaaraha Xukuumadda, Maxamed Xuseen Rooble.

Doorashada oo laba wareeg ahayd ayaa waxaa ku tartamayay shan musharax, waxaana wax dooranayay shan iyo labaatanka xubnood ee Guddiga Doorashooyinka Heer Federaal ka kooban yahay. Afar iyo labaatan xubnood ayaa goobta fadhisay, halka xubin ku maqan dalka Ingiriiska uu si toos ah kaga qayb qaadanayay muuqaalka foggaan aragga ee Internet-ka.

Xubnaha Guddiga Doorashooyinka ayaa haatan dooranaya Gudoomiye Kuxigeenka Guddiga Doorashooyinka, oo illaa afar xubnood isu soo sharaxeen.

Doorashada Gudoomiye Kuxigeenka waxay haatan si toos ah uga socotaa Xeradii Ciidanka Cirka Afisyooni ee Magaalada Muqdisho.

Cirro ayaa horey u soo noqday Gudoomiyaha Guddigii Doorashooyinka, ee ay muranka ka keeneen Golaha Midowga Musharaxiinta, kuwaa oo xubno badan laga bedelay, inkastoo aanu isagu ka mid ahayn xubnihii bishii hore ee June la bedelay.

Cirro oo mar kale isu soo sharaxay xilkaasi ayaa galabta dib loogu doortay.

Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com