Mowliid Mataan oo loo doortay Gudoomiye Kuxigeenka Guddiga Doorashooyinka

Abukaate Mowliid Mataan Salaad ayaa waxaa gelinkii dambe ee maanta loo doortay Gudoomiye Kuxigeenka Guddiga Hirgelinta ee Doorashooyinka Qaranka.

Doorashada oo ka dhacday Xeradii Ciidanka Cirka Afisyooni ee Magaalada Muqdisho ayaa waxaa jegadaasi isu soo sharaxay illaa afar musharax, waxaana wax dooraneysay shan iyo labaatanka xubnood ee Guddiga Doorashooyinka Heer Federaal ka kooban yahay, oo midi uu muuqaalka foggaan aragga ee Internet-ka kaga qayb qaadanayay, isagoo ku sugan dalkaasi Ingiriiska.

Xubnaha Guddiga Doorashooyinka ayaa goor sii horeysay waxay Maxamed Xasan Maxamed (Cirro) u doorteen inuu noqdo Gudoomiyaha Guddiga Hirgelinta ee Doorashooyinka.

Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com