Shabaab oo lagu laayay dagaalkii maanta ka dhacay duleedka Dhuusamareeb

Faah faahino ayaa ka soo baxaya dagaal hubka noocyadiisa kala duwan la’isku adeegsaday oo Ciidanka Xoogga Dalka iyo maleeshiyada Al Shabaab ku dhex maray duleedka Magaalada Dhuusamareeb ee Gobolka Galgaduud.

Guutada 15aad, Qaybta 21aad ee Ciidanka Xoogga Dalka ayaa maanta weerar jid gal ah waxay ku sameeyeen maleeshiyada Al Shabaab, xilli ay weerar ku soo ahaayeen Dhuusamareeb.

Weerarka dhabagalka ayaa ka dhacay inta u dhaxeyso Dhuusamareeb iyo Ceeldheer, gaar ahaan nawaaxiga Birta Dheer.

Cabdirisaaq Faarax oo ka mid ah dadka deegaanka ayaa sheegay inuu arkay meydadka laba iyo toban ka mid ah maleeshiyada Al Shabaab oo dagaalka lagu dilay.

Saraakiisha Ciidanka Xoogga Dalka ayaa dhankooda sheegay in ay dileen sagaal iyo toban nin oo ka tirsan maleeshiyada Al Shabaab, kuwaa oo dhammaantood ahaa kuwii weerarka damacsanaa.

Wasiirka Warfaafinta Galmudug, Axmed Shire Falagle ayaa isna sheegay in ciidanku hayeen xogta Shabaabka, isla-markaana ay u diyaargaroobeen, sidii ay kaga hortaggi lahaayen.

Wasiirka ayaa tilmaamay inaanay waxba ka noqon tiro yar oo maleeshiyadii Shabaabka ahayd ee weerarka soo qaaday, ciidankuna ku guuleysteen inay cagta mariyaan.

Wasiir Falagle ayaa qiray in hal askari uu Ciidanka Xoogga Dalka kaga dhintay weerarkaasi, ka dib markii uu rasaas ku furay nin dhaawac ahaa, balse loo haystay inuu dhintay.

Dhanka kale Gudoomiyaha Degmada Dhuusamareeb, Macalin Cabdiraxmaan Cali Maxamed (Geeda-qorow) ayaa markii uu dagaalku soo geba-gaboobay dhiirigelin iyo bogaadinba ugu tagay Ciidanka Xoogga Dalka, isagoona ku ammaanay sida ay uga hortaggeen maleeshiyadaasi.

Shabaabka ayaa muddooyinkii ugu dambeysay kordhiyay weerarada ay ka gaysanayaan deegaanada Galmudug.

Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com