Guddoonka Guddiyada Doorashooyinka K/galbeed & Galmudug oo la doortay

Waxaa gelinkii dambe ee maanta Magaalada Muqdisho lagu doortay Guddoonka Guddiyada Doorashooyinka Galmudug iyo Koonfur Galbeed, iyadoo Dowlad Goboleedyadana ay dhawaan dooran doonaan xubnihii hoggaamin lahaa.

Guddiga Hirgelinta Doorashada Galmudug ayaa doortay Gudoomiye iyo Gudoomiye Kuxigeen, kuwaa oo hoggaamin doono Doorashada Xildhibaanada Galmudug ku metelaya Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Somaliya.

Maxamed Daahir Guuleed ayaa loo doortay Gudoomiyaha Guddiga Hirgelinta Doorashada Galmudug, waxaana u codeeyay kow iyo toban xubnood oo guddigaasi uu ka koobnaa. Saacid Aadan Jaamac ayaana loo doortay Gudoomiye Kuxigeen. Labaduba ma jirin cid kula tartameysay xilalkaasi.

Sidoo kale Guddiga Hirgelinta Doorashada Koonfur Galbeed ayaa doortay Gudoomiye iyo Gudoomiye Kuxigeen. Yuusuf Cabduqaaldir Maxamed ayaa toban cod kaga guuleystay Maxamed Cabdullaahi Xasan oo helay cod keliya.

Nuuradiin Ibraahim Aadan iyo Cabdullaahi Cabdi ibraahim oo ku tartamay jegada Gudoomiye Kuxigeenka ayaa waxaa sagaal cod ku guuleystay Nuuradiin Ibraahim Aadan, halka Cabdullaahi Cabdi ibraahim uu helay laba cod.

Guddiyada Doorashooyinka Jubbaland, Hirshabelle Puntland, Somaliland iyo beelaha Banaadiriga ayaa lagu wadaa inay iyaguna doortaan guddoonkooda.

Axaddii shalay ayay ahayd markii Magaalada Muqdisho lagu doortay Gudoomiyaha Guddiga Hirgelinta ee Doorashooyinka Qaranka iyo Gudoomiye Kuxigeenkiisa.

Xubnaha Guddiga Doorashooyinka Heer Federaal ayaa Maxamed Xasan Maxamed (Cirro) u doortay inuu noqdo Gudoomiyaha Guddiga Hirgelinta ee Doorashooyinka Qaranka, halka Abukaate Mowliid Mataan Salaad loo doortay Gudoomiye Kuxigeen.

Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com