Xubno Shabaab dhaawac ah oo lagu qabtay duleedka Diinsoor

Ciidanka Xoogga Dalka ayaa hawlgal qorsheysan ka fuliyay deegaano hoostagga Degmada Diinsoor ee Gobolka Baay, halkaa oo ay ku dhuumaleysanayeen xubno ka tirsan maleeshiyada Al Shabaab.

Cabdisalaan Xaaji Siidow, Gudoomiyaha Degmada Diinsoor ayaa sheegay in Ciidanka Xoogga Dalka ay guulo ka gaareen hawlgalkaas, isla-markaana ay Shabaabkii ka dhigeen wax ay dilaan, wax ay dhaawacaan iyo wax ay kala firxada.

Gudoomiyaha ayaa tilmaamay in hawlgalka lagu dilay dhowr nin oo maleeshiyada Shabaabka ka tirsanaa, isagoo intaa ku daray in dhowr kalena gacanta lagu soo dhigay, iyagoo dhaawac ah.

Saraakiisha Ciidanka Xoogga Dalka ayaa sheegay in hawlgalka uu ka dambeeyay, ka dib markii ay heleen xog ku aaddan in xubno Shabaab ahi, ay halkaasi ku dhuumaaleysanayaan.

Degmada Diinsoor waxay ka tirsan tahay dhulka Koonfur Galbeed, ee ay xaaladda go’doominta geliyeen mintidiinta Al Shabaab.

Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com