Galmudug oo sheegtay in uu bilowday hawlgal Shabaab looga saarayo Gobolada Dhexe

Maamulka Galmudug ayaa ka hadlay gulufkii ciidan ee saakay Ciidanka Ciidanka Xoogga Dalka iyo kuwa Galmudug kula wareegeen deegaanka Bacaadweyne ee Gobolka Mudug.

Qoraal ka soo baxay Wasaaradda Amniga Galmudug ayaa lagu sheegay in hawlgalkan uu bilow u yahay dadaalada ay Galmudug ku dooneyso inay Shabaabka kaga saaro deegaanadeeda.

Qoraalka ayaa u qornaa “Ciidamada Qaranka iyo kuwa amniga Galmudug oo hawlgal qorsheysan qaaday saakay ayaa gacanta ku dhigay Magaalada Bacaadweyne, tuulada Qaycad, Sabeena Gawrac iyo deegaano kale.

Kooxda argagixisada Al Shabaab ayaa ka firxaday deegaanadii ay ku sugnaayeen, waxaana si buuxda gacanta ugu dhigay ciidamada soo majeestayaasha ah.

Shacabka deegaanadaas laga qabtay argagixisada ayaa si weyn u soo dhaweeyey Ciidamada Qalabka Sida iyo guusha ay ka soo hooyeen hawlgalkii saakay.

Dowladda Galmudug oo abaabulka hawlgalkan ka dambeysa waxaa ka go’an in cadowga argagixisada Shabaab laga sifeeyo Galmudug, hawlgalka bilowdayna uu qayb ka yahay arrintaas.”

Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com