Guddiga Doorashada Puntland oo doortay Guddoon Doorasho

Xubnaha Guddiga Hirgelinta Doorashada Puntland ayaa maanta Magaalada Muqdisho ku doortay Gudoomiye iyo Gudoomiye Kuxigeen.

Guddoonka ayaa haggi doono Doorashada Xildhibaanada Puntland ku metelaya Aqalka Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Somaliya.

Cabdikariin Muuse Maxamed ayaa loo doortay Gudoomiyaha Guddiga Hirgelinta Doorashada Puntland, ka dib markii uu helay codadka kow iyo tobankii xubnood ee wax dooraneysay.

Sidoo kale Caynaanshe Yuusuf Xuseen ayaa loo doortay Gudoomiye Kuxigeenka Guddiga, iyadoona uu ku guuleystay kow iyo toban cod.

Gudoomiyaha iyo Gudoomiye Kuxigeenka ayaa waxaan jirin cid kula tartameysay xilalkaasi ay isu soo taaggeen.

Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com