Macluumaad la xiriira ardaygii lagu dilay Jaamacadda Camuud

Faah faahino ayaa ka soo baxaya dilka fiidnimadii xalay wiil arday ahaa loogu gaystay Xarunta Jaamacadda Camuud ee Magaalada Boorama.

Askari ka tirsan Booliska Somaliland, kana mid ahaa ilaalada jaamacadaasi ayaa la sheegay inuu dilay ardaygaasi..

Ardaygan oo lagu magacaabi jiray Ibraahim Cabdishakuur Ibraahim ayaa ka tirsanaa Kulliyadda Injineerinka, iyadoona uu ka mid ahaa arday shalay galab gashay imtixaankii ugu dambeeyay ee sanad dugsiyeedka.

Gudoomiyaha Jaamacadda Camuud, Prof. Saleebaan Axmed Guuleed ayaa xaqiijiyay in askariga uu ka tirsanaa ilaalada jaamacadda, gacantana lagu hayo.

Duqa Magaalada Boorama, Maxamed Axmed Warsame ayaa isna sheegay dilka ka hor in ay wada murmayn askariga iyo ardayga, isagoo intaa ku daray in dhacdadaasi la baarayo.

Duqa Boorama ayaa beeniyay wararka sheegaya in askariga uu ardaygaasi u dilay, isagoo markaasi watay dhar ka sameysan calanka buluugga.

“Barraha bulshadu qof walba wuxuu doonuu ku soo qorayaa, laakiin xaqiiqda meesha ka jirta waxaa weeyaan arday jaamacadda ka tirsanaa oo mobile ku soo iloobay jaamacadda, wax calan ah iyo wax howshaasi khuseeyana maba ahayn.” Ayuu yiri Duqa Boorama oo la hadlay BBC.

Dhacdadan ayaa ku soo aadaysa, xilli toddobaadkii hore Magaalada Boorama lagu xirxiray in ka badan 50 dhalinyaro ah, oo isugu jiray wiilal iyo gabdho, laguna eedeeyay iyagoo wata calanka buluugga, kuna labisan inay soo dhigeen barraha bulshada.

Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com