SAWIRRO: Hawlgalkii maanta lagu qabtay deegaanka Bacaadweyne

Ciidanka Xoogga Dalka oo gacan ka helaya Daraawiishta Galmudug ayaa saakay dib ula wareegay gacan ku haynta deegaanka Bacaadweyne ee Gobolka Mudug.

Labada ciidan ayaa 16-kii bishii April isaga baxay deegaankaasi, iyadoona ay la wareegeen maleeshiyada Al Shabaab.

Shabaabka ayaa saakay baneeyay deegaankaasi, ka hor intii aanay si buuxdo ula wareegin Ciidanka Xoogga Dalka iyo kuwa Galmudug.

Wararka ayaa sheegaya in ciidamadu ay gaareen deegaankaasi, xilli inta badan dadka deegaanka ay barakac kaga maqan yihiin guryahooda. Dadku waxay barakacaan sameeyeen, ka hor intii aanay Shabaabku la wareegin deegaankaasi, saddex bilood horteed.

Saraakiisha Qaybta 21aad ee Ciidanka Xoogga Dalka ayaa sheegaya in ciidamadu ay Bacaadweyne ka sameynayaan hawlgal guri guri ah, si amniga loogu xaqiijiyo.

Wasaaradda Amniga Galmudug ayaa sheegtay in hawlgalkan uu bilow u yahay hawlgalada la doonayo in Shabaabka looga saaro Gobolada Dhexe.

Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com