Xoogga Dalka oo guluf ballaaran kula wareegay deegaanka Bacaadweyne

Ciidanka Xoogga Dalka iyo kuwa Galmudug ayaa saakay dib ula wareegay gacan ku haynta deegaanka Bacaadweyne ee Koonfurta Gobolka Mudug.

Maleeshiyada Ururka Al Shabaab ayaa 16-kii bishii April la wareegay gacan ku haynta deegaankan, ka dib markii ay isaga baxeen Ciidanka Xoogga Dalka iyo kuwa Galmudug.

Labada ciidan ayaan saakay wax iska caabin ah kala kulmin maleeshiyada Al Shabaab, oo baneeyay deegaankaasi.

Sidoo kale labada ciidan ayaa la wareegay gacan ku haynta deegaanada Qaycad iyo Sabeena Gawrac ee gobolkaasi.

Saraakiisha Ciidanka Xoogga Dalka ayaa sheegay in hawlgalkii lagu qabtay Bacaadweyne uu ahaa mid qorsheysan.

Xaalad amni ayaa muddooyinkii ugu dambeysay laga dareemay deegaanada Galmudug, taasoona loo aaneeyay Shabaabku oo culeys soo saaray deegaanadaasi.

Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com