Bankiga Dhexe Somaliya oo hirgelinaya hab maaliyadeed mideysan

Bankiga Dhexe Somaliya ayaa shaaca ka qaaday in dhawaan uu hirgelin doono hab maaliyadeed mideysan, kaasoo ay ku wada shaqayn karaan bankiyada dalka.

Nidaamkan ayaa lagu sheegay noociisii ugu horeeyay ee dalka laga hirgelin doono, sida lagu sheegay wargelin caawa ka soo baxday Xarunta Bankiga Dhexe ee Magaalada Muqdisho.

“Bankiga Dhexe wuxuu dhawaan hirgelin doonnaa hab-maaliyadeed mideysan, oo bankiyada dalka u fududeynayo inay isla shaqeeyaan.” Ayaa lagu yiri warka.

Warka ayaa sidoo kale lagu sheegay “Waa markii ugu horeysey oo nidaamkan dalka laga hirgelin doono, waxayna faa’iido u tahay bankiyada iyo dhammaan shacabka Soomaaliyeed ee isticmaala.”

Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com