Ra’iisal Wasaaraha Somaliya, Maxamed Xuseen Rooble ayaa maanta gaaray Magaalada Kismaayo, halkaas oo si diiran ugu soo dhaweeyeen Madaxweynaha Jubalanad, Axmed Maxamed Islaam iyo qaybaha kala duwan ee bulshada.
Ujeedka socdaalka Ra’iisal Wasaaruhu ku yimid Jubbaland ayaa waxaa qayb ka ah arrimaha hirgelinta doorashooyinka, dib u heshiisiinta, nabadgelyada iyo horumarinta. Isagoo dhagax dhigi doona mashaariic horumarineed oo wax tar u leh bulshada, kuwaa oo ay dowladdu ka hirgelinayso Jubbaland, si loogu adeego shacabka.
Ra’iisal Wasaare Rooble ayaa uga mahadceliyey madaxda iyo shacabka Jubbaland soo dhaweynta diiran ee loo sameeyay, wuxuuna sheegay in Madaxda Jubbaland uu kala xaajoon doono dhammeystirka dib-u-heshiisiinta Gobolka Gedo iyo howlaha doorashooyinka ee uu hormuudka ka yahay.






Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com