Rooble oo kormeeray Dekedda Magaalada Kismaayo (SAWIRRO)

Ra’iisal Wasaaraha Somaliya, Maxamed Xuseen Rooble oo booqasho ku joogga Magaalada Kismaayo ee Xarunta KMG ee Jubbaland ayaa galabta kormeeray Dekedda Kismaayo.

Ra’iisal Wasaaraha oo uu wehliyo Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Jubbaland, Axmed Maxamed Islaam ayaa kormeeray habsami u socodka howlaha Dekedda iyo qaybaha ay ka kooban tahay, xilli ay ka socdeen shaqooyinka maalinlaha ah.

Wasiirka Dekedaha Somaliya, Marwo Maryam Aweys oo qayb ka ah wafdiga Ra’iisal Wasaaraha ayaa sheegtay in Xukuumaddu ay ku hawlan tahay ballaarinta iyo dib u habeynta Dekedaha muhiimka ah ee dalka, si dib loogu soo noolleeyo kaalintii ay ka qaadan jireen dhaqaalaha dalka.

Ra’iisal Wasaare Rooble ayaa bidhaamiyay in Dowladda Somaliya ay ka go’an tahay horumarinta iyo dib u dhiska kaabayaasha dhaqaalaha dalka.

Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com