Rooble oo la kulmay Siyaasiyiinta Gobolka Gedo ku metela Jubbaland (SAWIRRO)

Ra’iisal Wasaaraha Somaliya, Maxamed Xuseen Rooble ayaa caawa Magaalada Kismaayo kula kulmay xubno ka tirsan Golaha Wasiirada, Xildhibaanada Heer Dowlad Goboleed, Madaxwayne Kuxigeenka Jubbaland, Maxamuud Sayid Aadan iyo siyaasiyiinta ku metela Gobolka Gedo Dowlad Goboleedka Jubbaland.

Ra’iisal Wasaaraha ayaa kala hadlay doorka ay ku leeyihiin dib u heshiisiinta Jubbaland iyo dhammeystirka hannaanka doorasho ee Jubbaland, gaar ahaan kuraasta deegaan doorashadoodu ay tahay Magaalada Garbahaarey.

Madaxda iyo Siyaasiyiinta uu la kulmay Ra’iisal Wasaaraha Xukuumadda ayaa sheegay, sida ay uga go’antahay in ay kaalin mug leh ka qaataan dib u heshiisiinta gobolka.

Ra’iisal Wasaare Rooble ayaa ku bogaadiyay Madaxweyne kuxigeenka Jubbaland, Wasiirada iyo Xildhibaanada uu la kulmay talooyinka wax ku oolka ah ee ay la wadaageen, isagoo tilmaamay in ay muhiim tahay sii amba-qaadidda qorsheyaasha lagu adkeynayo nabadda, xasilloonida iyo horumarka gobolkaasi.

Rooble ayaa inta uu ku sugan yahay Magaalada Kismaayo waxa uu kulammo wada-tashiyo ah, oo ku saabsan doorashooyinka iyo dib u heshiisiinta dalka la qaadanayaa qaybaha kala duwan ee Bulshada Jubbaland.

Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com