Wasiir Falagle “Waa been Shabaab naga lama wareegin Bacaadweyne”

Maamulka Galmudug ayaa si adag u beeniyay wararka sheegaya in maleeshiyada Al Shabaab ay dagaal culus dib ugula wareegeen gacan ku haynta deegaanka Bacaadweyne ee Gobolka Mudug.

Deegaankan ayaa waxaa shalay bilaa dagaal kula wareegay Ciidanka Xoogga Dalka iyo Daraawiishta Galmudug, iyadoo Shabaabkii ka arriminayayna ay isaga baxeen.

Shabaabka ayaa dhowr jiho ka soo weeraray Ciidamadii Dowladda iyo kuwii Galmudug ee la wareegay Bacaadweyne. Shabaabka ayaana sheegtay inay dib ula wareegeen deegaankaasi.

Wasiirka Warfaafinta Galmudug, Axmed Shire Falagle oo si adag u beeniyay arrintan ayaa yiri “Arrintaasi waa been, waxba kama jiraan. Ciidamadayadu goobihii ay shalay taggeen ayay jooggaan.”

Wasiirka ayaa yiri “Ciidamada dibadda ayaan uga saarnay magaalada oo hareeraheeda ayay jooggaan, si aysan dadku ugu arag inay magaaladu tahay goob ciidan. Ciidamadu waxaan gaynay afaafka hore ee magaalada, waardiyana ay kaga hayaan, si Shabaab aysan meesha u imaanin.”

Wasiir Falagle ayaa intaa ku daray “Waa laga yaabaa inay dad u qaataan inaan magaalada uga baxnay qaabab kale.”

Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com