Mid ka mida amniyaadka Al Shabaab oo lagu toogtay Magaalada Muqdisho

Ninkan oo ka tirsnaa koox bastoolado ku hubeysan oo nin askari ah ku dhaawacay Waaxda Jamhuuriya ee Degmada Kaaraan ayaa waxaa galabta toogtay Ciidanka Booliska ee ka hawlgala degmadaasi.

Booliska ayaa ku soo baxay dhawaqa rasaastii lagu dhaawacay askarigaasi, iyadoona ay israsaaseyn dhex martay kooxdii falkaasi gaysatay.

Wararka ayaa intaa ku daraya in ninkaasi uu ku dhaawacmay israsaaseyntii dhex martay iyaga iyo booliska, inkastoo uu daqiiqado ka dib u geeriyooday dhaawacaasi.

Warbaahinta Qaranka ayaa sheegtay inay ka soo reynayso xaaladda ninka askariga ah ee lagu dhaawacay Waaxda Jamhuuriya.

Shabaabka bastooladaha ku hubeysan ee amniyaadka loo yaqaano ayaa xilliyada qaarkood dilal qorsheysan ka gaysta Magaalada Muqdisho.

Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com