Rooble oo booqday Taliska Ciidanka Xoogga ee Jubbaland (SAWIRRO)

Ra’iisal Wasaaraha Somaliya, Maxamed Xuseen Rooble ayaa gelinkii dambe ee maanta kormeeray Taliska Qaybta 43aad ee Ciidanka Xoogga Dalka ee fadhigoodu yahay Magaalada Kismaayo.

Ra’iisal Wasaaraha ayaa u kuurgelayay baahiyaha ay qabaan Ciidanka Xoogga Dalka, kuwooda ka hawlgala deegaanada Jubbaland.

Taliska Qaybta 43aad ee Ciidanka Xoogga Dalka ee ka hawlgala deegaanada Jubbaland ayaa Ra’iisal Wasaaraha warbixin ka siiyay daadaalada ay argagixisada kaga xoreynayaan deegaanada Jubbaland iyo baahiyaha ay rabaan in wax lagala qabto.

Ra’iisal Wasaaraha ayaa ammaanay guulaha ay ka gaareen dagaalka ay kula jiraan kooxaha nabadiidka, isagoona ballanqaaday in xukuumaddiisu ay mudnaan gaar ah siin doonto wax ka qabashada baahiyaha Taliska Qaybta 43aad iyo guud ahaan Ciidanka Qalabka Sida.

“Waxaan maanta booqday Taliska Qaybta 43aad ee Ciidanka Xoogga Dalka. Geesiyaasha CXD way ku mahadsan yihiin sida nafhurnimada leh ee ay ugu heelan yihiin difaaca dalka iyo dadka. Waxaa naga go’an in aan ka jawaabno baahiyaha ciidankeena ee agab, tababar iyo taageero walba ee ay u baahan yihiin.”

Ra’iisal Wasaare Rooble ayaa waxaa kormeerkan ku wehlinayay Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Jubbaland, Axmed Maxamed Islaam, Wasiiro iyo Xildhibaano.

Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com