Ra’iisal Wasaaraha Somaliya, Maxamed Xuseen Rooble ayaa maanta Magaalada Kismaayo kaga qaybgalay Shirka Golaha Wasiirada Jubbaland, oo uu shir guddoominayay Madaxweyne Axmed Maxamed Islaam.
Ra’iisal Wasaaraha ayaa warbixin ka siiyay golaha hannaanka doorashooyinka iyo dadaalada Xukuumadda, ee ku aaddan sidii ay dalka uga dhici lahayd doorasho hufan oo lagu wada kalsoon yahay.
Shirkan oo ay sidoo kale ka qaybgaleen wafdiga Wasiirada ee Ra’iisal Wasaaraha ku wehlinaya socdaalkiisa Magaalada Kismaayo ayaa diiradda lagu saaray wada shaqaynta Wasaaradaha kala duwan ee Heer Federaal iyo Jubbaland.
Ra’iisal Wasaare Rooble ayaa Arbacadii booqashadiisii ugu horeysay ku tagay Magaalada Kismaayo, tan iyo markii uu xafiiska la wareegay.








Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com