Taliyihii Booliska Gobolka Shabellaha Hoose oo geeriyooday

Allaha u naxariistee waxaa xalay Magaalada Muqdisho ku geeriyooday Taliyihii Qaybta Booliska Gobolka Shabellaha Hoose, G/sare Muuse Cabdulqaadir Idiris.

Taliyaha ayaa maalmihii ugu dambeysay ku xanuunsanaa magaalada caasimadda ah ee Muqdisho.

Taliska Booliska Soomaaliyeed ayaa qoraal uu soo saaray kaga tacsiyeeyay geerida ku timid G/sare Muuse Cabdulqaadir Idiris, Taliyihii Qaybta Booliska Gobolka Shabellaha Hoose.

Maamulka Gobolka Shabellaha Hoose ayaa sidoo kale ka tacsiyeeyay geerida Taliyaha.

Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com