Ra’iisal Wasaaraha Somaliya, Maxamed Xuseen Rooble ayaa maanta Magaalada Kismaayo kula kulmay Saraakiisha Taliska Qaybta 2aad ee Hawlgalka Midowga Afrika oo ka hawlgala deegaanada Jubbaland.
Ra’iisal Wasaaraha ayaa Saraakiisha AMISOM kala hadlay arrimaha amniga doorashada iyo iskaashiga ay la leeyihiin Ciidamada Qaranka Soomaaliyeed.
Sidoo kale Ra’iisal Wasaaraha ayaa Saraakiisha ka dhageystay warbixin la xiriirta hawlgalada ka dhanka ah maleeshiyada Al Shabaab ee ka socdo deegaanada Jubbaland.
Ra’iisal Wasaare Rooble ayaa waxaa kulankan ku wehlinayay Wasiirka Gaashaandhigga Xukuumadda, Xasan Xuseen Xaaji.



Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com