Rooble oo qado sharafeed loogu sameeyey deegaanka Goobweyn (SAWIRRO)

Ra’iisal Wasaaraha Somaliya, Maxamed Xuseen Rooble oo booqasho ku joogga Magaalada Kismaayo ayaa waxaa maanta qado sharafeed loogu sameeyay deegaanka Goobweyn, oo qiyaastii 11km u jira Magaalada Kismaayo.

Ra’iisal Wasaaraha ayaa waxaa qado sharafeedkan u sameeyay Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Jubbaland, Axmed Maxamed Islaam.

Ra’iisal Wasaare Maxamed Xuseen Rooble ayaa uga mahadceliyay Madaxda iyo bulshada Jubbaland soo dhaweynta diirran, ee ay ku qaabileen isaga iyo wafdigiisa, waxa uuna tilmaamay muhiimadda booqashadan uu ku yimid Kismaayo ay u leedahay horumarinta deegaanada Jubbaland.

Ra’iisal Wasaare Rooble ayaa sidoo kale ku adkeeyay bulshada Jubbaland in ay sii ambaqaadaan dadaalada dib u heshiisiinta, una midoobaan dagaalka ka dhanka ah Al Shabaab, si horumar iyo barwaaqo ay u gaaraan reer Jubbaland.

Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com