Ra’iisal Wasaaraha Somaliya oo ku sii jeeda Magaalada Garbahaarey

Ra’iisal Wasaaraha Somaliya, Maxamed Xuseen Rooble ayaa waxaa saacadaha soo socdo lagu wadaa inuu gaaro Magaalada Garbahaarey ee Xarunta Gobolka Gedo.

Ra’iisal Wasaaraha ayaa Magaalada Garbahaarey u tagaya arrimaha dib u heshiisiinta Gobolka Gedo iyo dhammeystirka hannaanka doorasho ee Jubbaland, gaar ahaan kuraasta deegaan doorashadoodu tahay magaaladaasi.

Ra’iisal Wasaaraha ayaa muddada uu ku sugan yahay magaaladaasi waxaa uu kula kulmi doonnaa Saraakiisha Ciidamada, Maamulka Gobolka, kan degmada iyo qaybaha bulshada.

Maxamed Xuseen Rooble, Ra’iisal Wasaaraha Xukuumadda ayaa tan iyo Arbacadii ku sugnaa Magaalada Kismaayo ee Xarunta KMG Jubbaland.

Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com