Rooble oo si diiran loogu soo dhaweeyay Garbahaarey (SAWIRRO)

Wafdi uu hoggaaminayo Ra’iisal Wasaaraha Somaliya, Maxamed Xuseen Rooble ayaa gaaray Magaalada Garbahaarey ee Xarunta Gobolka Gedo.

Ra’iisal Wasaaraha iyo wafdigiisa oo ka ambabaxay Magaalada Kismaayo ayaa ka degay Garoonka Diyaaradaha Garbahaarey, halkaasoo si diiran loogu soo dhaweeyay.

Ra’iisal Wasaaraha ayaa Magaalada Garbahaarey u tagay arrimaha dib u heshiisiinta Gobolka Gedo iyo dhammeystirka hannaanka doorasho ee Jubbaland, gaar ahaan kuraasta deegaan doorashadoodu tahay magaaladaasi.

Ra’iisal Wasaare Rooble ayaa muddada uu ku sugan yahay Xarunta Gobolka Gedo waxaa uu kulamo kula yeelan doonnaa Saraakiisha Ciidamada, Maamulka Gobolka, kan degmada iyo qaybaha bulshada.

Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com