Kolonyo uu la socday Taliyaha Qaybta Booliska Gobolka Banaadir, Korneyl Farxaan Maxamuud Aadan (Farxaan Qaroole) ayaa lagu qaaday weerar ismiidaamin, oo loo adeegsaday gaari walxaha qarxa laga soo buuxiyay.
Weerarka ayaa ka dhacay Isgoyska Banaadir ee Degmada Hodan, xilligaas oo wadada uu marayay Taliyaha Qaybta Booliska Gobolka Banaadir.

Qoraal ka soo baxay Taliska Ciidanka Booliska Soomaaliyeed ayaa lagu sheegay in Korneyl Farxaan Qaroole uu ka badbaaday weerarkaasi.
“Weerar argagixisadu soo maleegtay oo loo adeegsaday gaari laga soo buuxshay walxaha qarxa ayaa lagu weeraray Taliyaha Qaybta Guud ee Boliiska Gobolka Banaadir, G/sare Farxaan Maxamuud. Taliyuhu wuu nabad qabaa, walow uu jiro khasaaro qaraxu ku reebay Isgoyka Banaadir ee Magaalada Muqdisho. Argagixisadu cidna kama niyad jabin karto adeegga ummadda loo hayo.” Ayaa lagu yiri qoraalka.
Inta la xaqiijiyay shan qof ayaa ku dhimatay qaraxa, halka toban kalena ay ku dhaawacantay.
Qaraxan oo laga maqlay inta badan xaafadaha Magaalada Muqdisho ayaa burbur u gaystay goobo ganacsi oo ku yaala Isgoyska Banaadir.





Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com