Jilaafooyinka doorashada dalka iyo caqabadaha ka dhalan kara

Waxaa soo baxaya saansaantii ugu horreysay oo muujinaysa in ay wax kasoo laabanayaan heshiiskii doorashada ee dhawaan lagu saxiixay magaalada Muqdisho, markii la gaaray xaaladdii fulinta.

Inkasta oo markii horeba uu ahaa qodob caqabadiisu badantahay muddo badanna la isku maandhaafsanaa xilligii heshiiska loo fadhiyay, ayaa haddana khilaafka cusub ee ku saabsan guddoonka guddiga doorashada Gobolada Waqooyi ayaa muujinaya weji khilaaf oo ka dhigan in qodobadii lagu heshiiyay ee doorashada ay wax badan kasoo laaban doonaan marka sida dhabta ah loo gudo galo xaaladdii fulinta.

Shalay laba garab ayuu u kala jabay guddiga Gobolada Waqooyi ee Doorashada, iyada oo garabka xubnaha uu soo magacaabay Ra’isulwasaare ku xigeenka Mahdi Guuleed ay tallaabo qaadka ku horeeyeen, iyaga oo doortay guddoomiye iyo ku xigeen, kuwaas oo loogu hambalyeeyay, laguna shaaciyay bogga rasmiga ee guddiga heer federaal ee doorashada iyo warbaahinta dawladda.

Khilaafkan saameyn maku yeelan doonaa qodobada kale ee heshiishka doorashada?

Saacado kadib waxaa isu yimid garabkii kale ee xubnihiisa uu soo magacaabay guddoomiyaha Aqalka Sare, Cabdi Xaashi Cabdullaahi, kuwaasi oo iyaguna doortay guddoon u gaar ah, sheegeyna in aysan aqoonsanayn guddoonka dhinaca kale.

Faysal Rooble oo ka faallooda arrimaha Geeska Afrika ayaa BBC u sheegay in khilaafkan kasoo dhex ifbaxay guddiyada doorashada gobollada waqooyi uu saameyn ku yeelan karo heshiiskii la gaaray arrimaha doorashada maadama mid kamid ah qodobada haatan uu khilaaf hareeyay.

“Khilaafkan saameyn wuu ku yeelan karaa heshiiska doorashada waxyeello weyn wuu u keeni karaa, haddii la rabo in doorashada ay xaq noqoto waa in heshiiskaa hore gacan rimis laga ilaaliyo”

Dhinacyada kala taabacsan Rai’sul wasaara ku xigeenka Khadar guuleed iyo guddoomiyaha Aqalka Sare Cabdi Xaashi Cabdulahi ayaa labadaba ku dhawaaqay in ay qabteen doorasho lagu soo doortay gudoomiyaha iyo ku xigeenkiisa. Arrintaas o durba dad badan ku qeexeen khilaaf hor leh.

Dhinaca Ra’iisul wasaare ku xigeenka ayaa shalay galinkii dambe war ay soo saareen waxay ku sheegeen in Xubnaha Guddiga Maamulaya kuraasta labada aqal ee Somaliland ay doorteen shir gudoon cusub, islamarkana gudoomiye loo doortay Khadar Xariir Xuseen.

Warqad maanta uu shaaciyay xafiiska guddoomiyaha Aqalka Sare ayaa lagu sheegay in ‘liiska kasoo baxay xafiiska Ra’iisul wasaare ku xigeenka uu yahay mid hal dhinac u xaglinaya oo aanan caddaalad aheyn”

Waxay ku baaqeen in xubnaha qaar laga saaro maadama ay ku eedeeyeen inay ka tirsan yihiin shaaqalaha dowladda iyo ciidanka.

“Arrinta waqooyiga waa arrinta hadda lagu baratamayo oo kooxda kali ah ee la rabo in lagu kala badiyo ama dhinac ay raacaan waa kooxda waqooyiga iyo kuraasyadooda oo hadda aanan u muuqan in cid ay heysato, ciddii si uun ku hesha gobollada waqooyi waxaad mooddaa in dhinac ay wax u dheelitiri doonaan natiijada soo bixi doonta” ayuu yiri Faysal Rooble.

“Waxaa umadda Soomaaliyeed u fiican in tan waqooyigana laga heshiiyo wixii hore ee lagu heshiiyay lagu daayo”

Miisaanka siyaasadda ee gobolada Waqoooyi

Iyadoo loolan loogu jiro cidda noqoneyso guddoomiyaha guddiyada doorashada, garabka guddoomiyaha Aqalka Sare Cabdi Xaashi waxay sheegeen in ay guddoomiye u doorteen Suleymaan ceydiid Cismaan.

Suleymaan oo BBC la hadlay ayaa ku eedeeyay in garabka guddoomiyaha Aqalka Sare inay ka baxeen heshiiska ku aadanaa guddiyada doorashada ee gobollada Waqooyi isla markaana aanan lagala tashan arrintaas.

Faysal Rooble wuxuu qabaa in guddoomiyaha guddiyada doorashada ay saameyn weyn ku leeyihiin natiijada sidaas darteedna cid kasta ay ku qasban tahay in ay dhankeeda loollanka ka gasho.

“Guddoomiyaha kooxdan iyo guddiyada doorashada kormeerka ka ah waxay aad iyo aad waxyeello ugu yeelan doontaa sida loo weecin karo natiijooyinka qaarkood laakin waxa saameyn ah ayuu leeyahay qofkii noqonaya guddoomiyaha guddiyada doorashada”

“Loolanka waxaa weeye ma aha shakhsiga ee waxaa weeye culeyska iyo gacanta culus uu yeelanayo xafiiska shakshiga noqon doono guddoomiyaha..hasa ahaatee waxaa fiican in axdiyo lagu xiro in qodobo loo dejiyo si loo xakameeyo awoooda uu leeyahay guddoomiyaha si aanu dhinac uga eexan”

Waxaan isku daynay in aan la xiriirno garabka Rai’sul Wasaara ku xigeenka ee iyaga sheegay in Xubnaha Guddiga Maamulaya kuraasta labada Aqal ee Somaliland ay gudoomiye u doorteen Khadar Xariir Xuseen balse inooma suurogelin.

Waxaa socday muddooyinkii u danbeeyey dedaallo dhawr ahr oo lagu xallinayo khilaaf dhanka xulista xubnaha waqooyiga oo u dhaxeeyey Raysalwasaare Mahdi Guuleed iyo guddoomiyaha aqalka sare Cabdi Xaashi, kuwaas oo ay markii ay labadooduba soo wada magacaabeen guddidan u muuqatay mid la xalliyey oo laga gudbay. Khilaafkan se cusub ayaa u muuqda in xaalka weli halkii taagan yahay.

Xigasho: BBC

Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com