Rooble oo soo geba-gabeeyey socdaalkiisii Jubbaland

Ra’iisal Wasaaraha Somaliya, Maxamed Xuseen Rooble ayaa soo geba-gabeeyay socdaalkii uu ku marayay Jubbaland, gaar ahaan Magaalooyinka Kismaayo iyo Garbahaarey.

Ra’iisal Wasaaraha ayaa dib ugu soo laabtay Magaalada Muqdisho, oo Arbacadii uu ka tagay, isagoona markaasi gaaray Magaalada Kismaayo, oo Sabtidii shalayna uu uga sii gudbay dhanka Garbahaarey.

Socdaalka Ra’iisal Wasaaraha ee Jubbaland ayaa la xiriiray hirgelinta arrimaha doorashooyinka ee dalka, gaar ahaan kuraasta ay deegaan doorashadoodu tahay Kismaayo iyo Garbahaarey.

Rooble ayaa Sabtidii sheegay inuu taggi doono magaalooyinka kale ee Dowlad Goboleedyada, ee loo asteeyay inay ka dhacdo doorashada.

Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com