Ujeedka uu Taliyaha Ciidanka Xoogga u tagay Buulo Burde (SAWIRRO)

Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka, General Odawaa Yuusuf Raage ayaa maanta gaaray Degmada Buulo Burde ee Gobolka Hiiraan.

Wafdiga Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka ayaa waxaa halkaasi ku soo dhaweeyay Taliyaha Qaybta 27aad ee Ciidanka Xoogga Dalka, General Axmed Maxamed Calasow (Tareedisho), Taliyaha Militariga Jabuuti ee qaybta AMISOM, Maxamuud Cumar Faarax iyo Maamulka Degmada Buulo Burde.

Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka ayaa degmadaasi u tagay daahfurka Xarunta Taliska Qaybta 27aad oo laga daahfuri doono degmadaasi, taasoo si iskaa wax u qabso ah lagu dhisay iyo dardargelinta hawlgalada ka dhanka ah maleeshiyada Al Shabaab.

General Tareedisho oo ka hadlayay socdaalka Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka ayaa yiri “Ujeedka socdaalka Taliyaha waxaa weeye Taliska Qaybta 27aad oo laga aasaasay Degmada Buulo Burde furitaankiisii iyo dardargelinta waajibaadka guud ee Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, sida la dagaalanka nimanka Khawaariijta ah oo dalka dhibaato u gaystay, talo iyo tusaale wixii uu noo keenay ee hawlgaladaasi la xiriira iyo shaqada aan qaban doono, haddii Ilaahay yiraahdo.”

Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com