Wasiir Foosiya oo kormeertay Isbitaalka Banaadir (SAWIRRO)

Wasiirka Caafimaadka Somaliya, Foosiya Abiikar Nuur ayaa kormeertay Isbitaalka Hooyada & Dhallaanka ee Banaadir, ka dib weerarkii ismiidaaminta ee shalay ka dhacay Isgoyska Banaadir ee Magaalada Muqdisho.

Isbitaalkan ayaa waxaa saamayn ku yeeshay weerarka loo adeegsaday gaariga walxaha qarxa laga soo buuxiyay ee lagu weeraray kolonyadii uu la socday Taliyaha Qaybta Booliska Gobolka Banaadir, Korneyl Farxaan Maxamuud Aadan (Farxaan Qaroole).

Wasiir Foosiya ayaa u kuurgashay burburka qaybo ka mida isbitaalkaasi ka soo gaaray weerarka ay masuuliyadiisu sheegatay Al Shabaab, sidoo kalena waxay soo kormeertay xaaladda bukaanadii ku dhaawacmay qaraxaasi, oo qaarkood uu daryeel caafimaad u fidiyay isbitaalka.

Foosiya Abiikar ayaa ka tacsiyeysay dadkii ku dhintay qaraxa, iyadoona caafimaad deg-deg ah u rajeysay kuwii kale ee ku dhaawacmay.

Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com