Ciidamada amniga oo hawlgalo gaar ah ka sameeyay Muqdisho

Ciidamada amniga ayaa xalay hawlgalo ka sameeyay qaar ka mid ah Degmooyinka Gobolka Banaadir, iyagoona ku soo qabqabtay tiro dhalinyaro ah.

Ciidamada ayaa hawlgaladan si gaar ahi uga sameeyay Degmooyinka Warta Nabadda iyo Hodan, waxaana la arkaayay iyagoo gudaha u gelaya guryo u muuqday in la soo far muuqay.

Ciidamada oo watay gaadiidka dagaalka ayaa gacanta ku soo dhigay tiro dhalinyaro ah, kuwaa oo intooda badan ay dib u sii daayeen, halka intii kalena ay u kaxeysteen xarumaha laamaha amniga.

Warar aan la xaqiijin ayaa sheegaya in dadka gacanta lagu soo dhigay ay ku jiraan dhalinyaro lala xiriirinayo falalka dhaca ee xilliyada habeenkii ah loo gaysto dadka reer Muqdisho.

Ciidamada Booliska ayaa 30-kii bishii June gacanta ku soo dhigay rag dhalinyaro u badan, kuwaa oo lagu eedeeyay inay qayb ka yihiin falalka dhaca ee dadka reer Muqdisho loogu gaysto gudaha magaalada.

Saraakiisha hay’adaha ammaanka ayaan weli ka hadlin hawlgalkan ugu dambeeyay ee laga sameeyay Magaalada Muqdisho.

Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com