General Xijaar oo sagootiyay gabdho ka tirsan Xoogaga Haramcad (SAWIRRO)

Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed, General Cabdi Xasan Maxamed (Xijaar) ayaa gelinkii dambe ee maanta Garoonka Aadan Cadde ee Magaalada Muqdisho ka sagootiyay 49 gabdho oo tababar loogu qaaday dalka Turkiga.

Gabdhahan oo ka tirsan booliska sida gaarka ah u tababaran ee Haramcad ayaa dalkaasi loogu qaaday, si ay ugu soo qaataan tababar dheeri ah.

Taliyaha Booliska Soomaaliyeed ayaa sheegay in gabdhuhu ay dalkaasi ku soo qaadan doonaan tababar buu yiri uu heerkiisu sarreeyo, taa oo qayb-na ka ah dhismaha iyo tayaynta Ciidanka Booliska Soomaaliyeed.

“Waxaan galabta Garoonka Aadan Cadde ku sagootinay 49 gabdhood oo ka tirsan Ciidanka Booliiska Gaarka ah ee Haramcad, oo u dhoofay dalka aan walaalaha nahay ee Turkiga, si ay u soo qaataan tababar heerkiisu sarreeyo, iyagoo ku biiraya dadaalada loogu jiro dhismaha iyo tayaynta Ciidanka Booliska Soomaaliyeed.” Ayuu yiri General Xijaar.

Xoogaga Haramcad oo la aasaasay daba-yaaqadii sanadkii 2018 ayuu Turkigu ku tababaray saldhigiisa Magaalada Muqdisho ee Turksom.

Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com