RW Kuxigeenka oo la kulmay Agaasimeyaasha Xukuumadda (SAWIRRO)

Ra’iisal Wasaare Kuxigeenka Dalka, Mahdi Maxamed Guuleed (Khadar) ayaa maanta Aqalka Madaxtooyada ee Magaalada Muqdisho kula kulmay Agaasimeyaasha Guud ee Wasaaradaha Xukuumadda.

Ra’iisal Wasaare Kuxigeenka ayaa Agaasimeyaasha kula dardaarmay inay xil gaar ahi iska saaraan xoojinta howlaha dowladnimada, xilligan uu dalka doorasho gelayo.

“Ra’iisal Wasaare Kuxigeenka Dalka, Mudane Mahdi Maxamed Guuleed oo kulan la yeeshay Agaasimeyaasha Guud ee Wasaaradaha ayaa kula dardaarmay in ay xil gaar ah iska saaraan xoojinta howlaha iyo adeegyada dowladda xilligan oo dalku doorasho gelayo.” Ayaa lagu yiri qoraal ka soo baxay Xafiiska Ra’iisal Wasaaraha.

Wasiiru Dowlaha Xafiiska Ra’iisal Wasaaraha, Cabdixakiin Xasan Ashkir ayaa 22-kii bishii June kulan isugu yeeray Agaasimeyaasha Guud ee Wasaaradaha, isagoona ugu baaqay inay sameysteen gole ay ku mideysan yihiin, oo markaasi soo qaban-qaabiya kulan ay bishiiba mar isugu yimaadaan, iyagoo markaasi xoojinaya howlaha shaqo ee wasaaradaha iyo sidii loo horumarin lahaa adeegyada dowladda, waqtigan doorashada loo diyaargaroobayo.

Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com