Waxaa isa soo taraya khasaaraha uu gaysanayo dagaalka labada beelood ee walaalaha ah ku dhex marayo deegaanka Bohol-garas ee duleedka Degmada Doolow ee Gobolka Gedo.
Dagaalka ayaa salka ku haya muran ka dhashay dhul beereed, sida uu sheegay Maamulka Gobolka Gedo, oo dhinaca kalena ku baaqay in si deg-deg ahi dagaalka loo joojiyo.
Dadka deegaanka oo dagaalkaasi uu sameeyay ayaa qoysas badan oo ka mid ah waxay ka soo tallaabeen webiga, iyagoona soo gaaray Degmada Doolow.
Sidoo kale qaar ka mid ah dadkii ku dhaawacmay dagaalkaasi ayaa xaaladooda lagula tacaalaya goobaha caafimaadka ee ku yaala Doolow.
Gudoomiyaha Maamulka Gobolka Gedo, Axmed Buulle Maxamed Gareed ayaa sheegay inay ka xun yihiin xaaladda ka soo korortay Bohol-garas, isagoona walaac ka muujiyay barakaca ballaaran ee ka dhashay dagaalkaasi.
“Meeshaas iyada ah dhimasho iyo dhaawacba waa ka dhacday, khasaaro naf iyo maalba leh ayaa jira, barakacna wuu ka dhacay. Arrintaasi arrin aad u fool xun bay ahayd, oo runtii aan ku habooneyn dadka walaalaha ah.” Ayuu yiri Gudoomiyaha.
Gudoomiyaha ayaa yiri “Dad illaa labaatameeyo gaarayo ayaa ku dhintay dagaalka, dhaawacana aad buu u badan yahay.”
Gudoomiyaha Gobolka Gedo ayaa labadaasi beelood ugu baaqay inay si deg-deg ahi u joojiyaan dagaalka.
Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com