Maxay ka wada hadleen Rooble iyo Guddiga Amniga Doorashada (SAWIRRO)

Ra’iisal Wasaaraha Somaliya, Maxamed Xuseen Rooble ayaa maanta Magaalada Muqdisho kula kulmay Guddiga Amniga Doorashooyinka.

Guddiga Amniga Doorashooyinka ayaa ka kooban Taliye-yaasha Booliska Heer Federaal, Heer Dowlad Goboleed, Gobolka Banaadir iyo AMISOM.

Geba-gabadii kulankaasi Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed, General Cabdi Xasan Maxamed (Xijaar) ayaa Warbaahinta uga warbixiyay waxyaabihii looga hadlay kulanka.

“Waxaa ka qabmasoomay Xafiiska Ra’iisal Wasaaraha Dowladda Federaalka ee Somaliya shirkii ugu horeeyay ee Guddiga Amniga Doorashooyinka Qaranka Soomaaliyeed, oo ay ka soo qaybgaleen dhammaan Saraakiishii ugu horeysay ama hogaamineysay Ciidanka Booliska Soomaaliyeed ee Dowlad Goboleedyada ay ka kooban tahay Dowladda Federaalka iyo Gobolka Banaadir.” Ayuu yiri Taliyaha.

Taliyaha ayaa yiri “Waxaana looga hadlay, sidii si midnimo ah oo isku duubnaan iyo aragti ah looga qayb qaadan lahaa doorashada iyo inay ku dhacdo si amni iyo cadaalad ah, oo qof walba oo Soomaali ah uu raali ka noqdo.”

Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com