Madaxweyne Kuxigeenka Hirshabelle, Yuusuf Axmed Hagar (Yuusuf Dabageed) ayaa gelinkii dambe ee maanta gaaray Magaalada Muqdisho.
Wafdiga Madaxweyne Kuxigeenka ayaa ka ambabaxay Degmada Buulo Burde ee Gobolka Hiiraan, halkaasoo ay shalay kaga qaybgaleen furitaanka Xarunta Taliska Qaybta 27aad oo laga hirgeliyay degmadaasi.
Xildhibaano ka tirsan Labada Aqal ee Baarlamaanka Somaliya iyo dadweyne kale ayaa Madaxweyne Kuxigeenka ku soo dhaweeyay Garoonka Aadan Cadde.
Ma cadda ujeedada uu xilligan u yimid Caasimadda Muqdisho, waxaase soo baxaya warar sheegaya in uu kula kulmi doono Madaxda Dowladda Federaalka.
Wararka ayaa intaa ku daraya in Madaxweynaha Dowladda Federaalka, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo uu u yeeray Yuusuf Dabageed.
Sidoo kale waxaa suurtagal ah in Yuusuf Dabageed ay Magaalada Beledweyne isu raacaan Ra’iisal Wasaaraha Xukuumadda, Maxamed Xuseen Rooble.
Yuusuf Dabageed ayaa billihii ugu dambeeyay ku sugnaa Magaalada Beledweyne, oo dadka deegaanka qaarkood ay si weyn uga horyimaadeen doorashada 11-kii bishii November ee sanadkii hore ka dhacday Magaalada Jowhar, laguna soo doortay Madaxweynaha Hirshabelle, Cali Cabdullaahi Xuseen (Cali Guudlaawe).
Imaanshaha Yuusuf Dabageed ee Muqdisho ayaa ku soo aadaysa, xilli Hirshabelle ay walaac dhanka amniga ah ka muujinayso kuraasta ay deegaan doorashadoodu tahay Beledweyne.

















Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com