Dowladda Somaliya oo ka hadashay rabshadaha ka socdo dalka Koonfur Afrika

Dowladda Somaliya ayaa walaac ka muujisay rabshadaha iyo bililiqada ka socda dalka Koonfur Afrika, tan iyo markii toddobaadkii hore la xiray Madaxweynihii hore ee dalkaasi, Jacob Zuma.

Qoraal ay soo saartay Wasaaradda Arrimaha Dibadda ayaa lagu sheegay in Dowladda Somaliya ay ka xun tahay qulqulatooyinka ka soconaya dalkaasi, oo saamayn ku yeeshay Soomaalida ganacsiga ku leh dalkaasi.

Qoraalka ayaa lagu sheegay in 72-kii saac ee la soo dhaafay Gobolka KwaZulu-Natal lagu dilay afar qof oo Soomaali ah, qaar kalena lagu dhaawacay, isla-markaana lagu boobay hantidooda.

Dowladda Somaliya ayaa ugu baaqday Dowladda Koonfur Afrika inay wax ka qabato kooxaha burcadda ah ee bartilmaameedsanaya muwaadiniinta Soomaaliyeed iyo ganacsigooda.

Qalalaasaha muddada toddobaadka ahi ee dalkaasi ka socdo ayaa waxaa ku dhintay in ka badan 60 qof.

Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com