Macalin Cumar Maxamuud Xalane oo lagu aasay Beledweyne (SAWIRRO)

Allaha u naxariistee waxaa maanta Magaalada Beledweyne aas ballaaran loogu sameeyay Macalin Cumar Maxamuud Xalane, oo xalay u geeriyooday sun ay caano ugu dartay haweeney uu qabay.

Dad badan oo ka mid ah dadka reer Beledweyne ayaa ka qaybgalay aaska marxuumka, oo ka dhacay duleedka magaaladaasi.

Macalin Cumar Maxamuud Xalane oo ahaa Macalin Dugsi Quraan ayaa sumeyntiisa waxaa xaqiijiyay Booliska Beledweyne, oo baaritaan ku sameeyay meydkiisa.

Ciidamada amniga ayaa gacanta ku soo dhigay haweeneydii falkaasi gaysatay, oo lagu magacaabo Fa’isa Isaaq Faarax, sida uu Warbaahinta u sheegay Taliyaha Saldhigga Booliska Beledweyne, Maxamed Maxamuud Qoorsheel.

Taliyaha ayaa tilmaamay in haweeneydaasi ay horkeeni doonaan maxkamadda, go’aankan xukunkeedana uu garsoorka maxkamadda iska leeyahay.

“Waxaa la horgayn doonnaa maxkamadda cadaaladda, xukunkana garsoorka ayaa iska leh.” Ayuu yiri Taliye Qoorsheel.

Dhacdadan naxdinta leh ayaa si weyn looga hadalhayaa Magaalada Beledweyne, gaar ahaan xaafadda Xaawo Taako oo dhacdadaasi ay ka dhacday.

Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com