Mahdi Guuleed oo la kulmay Wakiilka Qaramada Midoobey (SAWIRRO)

Ra’iisal Wasaare Kuxigeenka Dalka, Mahdi Maxamed Guuleed (Khadar) ayaa maanta Xafiiskiisa Magaalada Muqdisho ku qaabilay Wakiilka Qaramada Midoobey u qaabilsan arrimaha Somaliya, Amb. James Swan.

Kulanka ayay kaga wadahadleen arrimaha doorashooyinka ee dalka, gaar ahaan khilaafka ka dhashay Guddiga Doorashooyinka ee kuraasta Gobolada Waqooyi oo laba garab u kala jabay.

Mahdi Maxamed Guuleed ayaa qoraal uu soo dhigay bartiisa xiriirka dadweynaha waxa uu u qornaa “Waxaan ku faraxsanahay inaan la kulmay Wakiilka Gaarka ah ee Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Somaliya, Amb. James Swan.

Waxaan maanta ku qaabilay xafiiskeyga, halkaas oo aan kaga wadahadalnay doorashooyinka soo socda iyo doorka Qaramada Midoobey ee xasilloonida iyo horumarka Somaliya.”

Ra’iisal Wasaaraha Somaliya, Maxamed Xuseen Rooble oo shalay la kulmay Xildhibaanada Gobolada Waqooyi ayaa kala hadlay arrimaha doorashooyinka, ee uu hormuudka ka yahay, isagoona u sheegay in doorashada kuraasta Somaliland loo maamuli doono, si daahfuran oo ka fog eex iyo nin jecleysi.

Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com