Shariif Sheekh Axmed oo kulan la qaatay Wakiilka Norway ee Somaliya

Shariif Sheekh Axmed, Madaxweynihii hore ee dalka ayaa maanta la kulmay Wakiilka Dowladda Norway u qaabilsan arrimaha Somaliya, Marwo Heidi Elburgi Johansen.

Shariif Sheekh Axmed ayaa sheegay in ay ka wadahadleen arrimaha doorashooyinka ee dalka iyo dib-u-heshiisiinta.

Qoraal uu soo dhigay bartiisa Facebook ayaa u qornaa “Waxaan maanta kulan la qaatay Wakiilka Gaarka ah ee Dowladda Norway u qaabilsan arrimaha Somaliya, Heidi Elburgi Johansen, oo aan ka wadahadalnay arrimaha doorashooyinka iyo dib-u-heshiisiinta Somaaliya.

Waxaan uga mahadcelinay Dowladda Norway dadaalka iyo taageerada ay mar walba la garab taagan yihiin Somaliya iyo sida ay u soo dhaweeyeen kumanaan Soomaali ah, oo dagaaladii sokeeye ee dalka ka dhacay, ka qaxay.”

Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com